Daacun Caloolaha oo la ogaaday meelaha sida aad ah uu oga faafo ay tahay DUgsiyada iyo xeryaha qoxootiga ah

Xeryaha qoxootiga ah iyo schoolada ayaa la sheegay in ay intabadan sare u qaadan cudurka daacun caloolaha guud ahaan dalka.

Wsaarada caafimada ayaa shegtay in cudurkaasi uu si xowli ah u socday sanadkan islamarkaana hadda loo baahan yahay iin sida ugu shaqsiyaha badan wax looga qabt isamarkaana laga hortago.

Warbixinti ugu dambeysay oo ay soo saaren wasaarada caafimadka dalka ayaa lagu qeexay in in kabadan 27 qof ay u dhinteen xaanunkaasi chloreaha shan Countiy oo kamid ah 47-da County ee uu dalka ka kooban yahay.

Countiyada uu sida ba’an u saameeyay Koleeraah ayaa waxaa kamid ah Garissa, Mandera, Tana River, Vihiga and Wajir kuwaas oo oo sababeeyay biyo aan nadiif eheyn, guryahayaha oo aad u yar, xeryaha qoxootiga oo si aad ah ugu dhow.

Warbixintan oo lasoo saaray 26-kii bishan July ayaa sidoo kale ku xusneed in 2,562 kiis oo kusabsan cudurkaas laga diiwan galiyay countiyada aan kor ku soo xusanya intii lagu guda jiray lixdii bilood ee ugu dambeysay.

Wasiirka wasaarada caafiamda Cleopa Mailu ayaa hadda maamul goboledyada ka doonayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo wargaliyaan cudurkaasi si looga hortago dhibaatadiisa iyo in uusan ssii fidin.

Dhaaman countiyada dalka ayaa heegan sare la galiyay si loola dagaalamo xanuunkaasi.

Cudurkan ayaa markii ugu horeysay oo uu dalka ka dilaco ay eheyd bishii Decmber ee sanadkii 2014-kii waxaana qofkii ugu horeeyay lagu arkay Magaalada tan Nairobi.

Intaasi wixii kadambeeyay ayaa waxaa uu kusii fiday 30 County taas oo markii dambe sababtay in lasoo wariyo 16,000 oo kiis oo cudurkaasi ah halka 253 qofna ay u dhinteen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *