Dugsi Kuyaala Kwale oo Albaabada Loo Laabay Ilaa Amar Dambe

Maamulayaasha Scoolka sare ee Kwale ayaa albaabada u xiray dugsigaasi ilaa amar dambe kadib markii xalay oo jimco eheyd qeybaha jiifka uu dab ka ka kacay.

Waa marki ugu horeysay oo Dugsi kuyaalo Countiga Kwale uu gubto laga soo bilaabo markii ay soo baxeen wararka kusabsan ardayda gubayo dugsiyadooda oo noqotay hadal heynta ugu badan ee dalkani Kenya.

Isagoo la hadlyay warbaahinta, Maamulaha dugsigaasi oo lagu magacaabo Festus Sombo ayaa sheegay in dabkaasi uu bilawday xalay abaare 9 habeenimo waxuuna sheegay in aysan jirin cid wax kunoqotay.

Mr Festus ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hadda wali ogaanin waxa dhaliyay dabkaaasi in uu ka kaca dugsiga iyadoo la damiyay dhamaan goobaha laga hago korontada maadama xiligaasi korontada uu dugsiga kamaqnaa.

Inkabadan 50 arday oo kamid ah 1,015 oodhigata schoolka ayaa kuqasabnaaday in ay hal meel sexdaan.

Tani ayaa ku soo aadeysaa iyadoo shalay ay eheyd markii Madaxweynaha dalka uu sheegay in si adag loola tacaali doono falalkan ay ardayda kugu bayaan schoolada guud ahaan dalka.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in schoolada aanan la xiri doonin ilaa waqtigii lagagaarayo xiligi loogu tala galay sida qaar kamid ah Mas’uuliyiinta waxbrashada ay horay u soo jeediyeenba.

Goor sii horeysay ayeey eheyd markii Ururuka macalimiinta dugsiyada sare ee KUPPETT ay ku goodiyeen in shaqo jojin ay ku dhaqaaqi doonaan hadii muddo 7 maalmood ah aanan lagu xirin dugsiyada dhamaan dalka kuyaala arintaas oo ay dowlada si adaga oga soo horjeesatay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *