Gudniinka fircooniga oo la sheegay in uu dalka ku yaraaday

Gudniinka fircooniga ah ee lagu fuliyo gudaha dalkani Kenya ayaa  la sheegay in  5-tii sano ee ugu dambeysay uu boqolkiba 6 hoos u dhacay.

Arintan ayaa waxaa shaaca kaqaaday gudomiyaha  gudiga la dagaalanka gudniinkan Jebii Kilimo .

Hadalkan ayey gudomiyaha  jeedisay maanta iyada oo ku sugan dugsiga  hoose dhexe ee  Kirimankari  oo ku yaala maamul goboleedka Tharaka-Nithi.

Hoos udhacan ayey ms Kilimo oo horkacaysay ololo ay hirgelineyso hay’adda plan international  sheegtay in ay tahay midi dunida ugu sareysay .

Ololahan ayaa loogu magacdaray  istaaji gudniinka fircooniga ah oona samee  maalgashi la xiriira tacliinta gabdhadha.

Hasa ahatee haweneydan ayaa sheegtay in nooca gudniinkan uu weli ka jiro qeybo badan oo dalka ka tirsan halka kenyaanka ay ugu baaqday in ay iska kaashadaan la dagaalankiisa.

Waxay intaas ku dartay in gudniinka fircooniga ah ay weli adeegsadaan jaaliyadaha xoola dhqatada ah halka jiritankiisa guud ahaan wadanka lagu qiyaaso boqolkiba 21.

In ka badan boqolkiba 50 ee gabdhaha da’ada yare e kasoo jeedo xoola dhaqatada ayey ms Kilimo sheegtay in gudniinkan lagu sameeyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *