Laba qof oo lala xiriirinyo kooxda Alshabaab oo Maxkamada kasoo hurmuqday

Laba qof oo lala xiriirinayo kooxda Alshaabab ayaa shalay maxkamada kasoo hormuuqday.

Raggani oo magacyadooda lagu kala sheegay Mr Imran Hassan Ahmed alias Babli and Mr Abdul Aziz Ali Sultan ayaa lagu sii hayn doona xabsiga muddo dhan 27 maalmood ah si baaritanka ay kuhayaan ciidamada booliska ay u soo dhamestiraan.

Mr Ahmed and Mr Sultan ayaa gaashanka ku dhuftay eedeymaha loo jeediyay oo la xiriira falal arigigixinmo oo ay 29-kii bishii June ka gesteen Magaalada Malindi ee gobolka xeebta ee dalka.

Xaakinada maxkamada oo ay kasoo hormuqdeen eedeysanayaashan Silvia Wewa  ayaa loo sheegay in sidoo kale lala soo qabtay Muuqalo ama Video, Telefoonada gacanta iyo cpmputarada gacanta oo ay u isitcmaalayeen falalkooda argigixiso.

Mr Ahmed ayaa lagu helay talefonka gacanta oo uu kujiray muuqal loogu magacdaray Makundi  oo ay intabadan isticmaalan kooxaha weerarada ka fuliyo qeyb kamid ah dalka si loogu dhiiri galiyo falkooda.

Dacwad soo oogaha Victor Alenga ayaa ka codasaday Maxkamada In eedeysanayaashsi aan lagu sii deynin damiin lacageed maadama ay wajihi hayaan dambiyo aan caadi eheyn.

Laakinse dhanka kale waxa si adag oga soo horjestay codsigaasi, qareenkii u doodayay nimankan James Maoko oo shegay in raga ay xaq u lee yihiin damiin maadama ay yihiin muwaadiniin u dhalatay dalka.

Intaasi kadib ayeey xaakinka Maxkamada waxay amar ku bixisay in labadasi qof xabsiga lagu sii hayo ilaa 5 bisha Augost oo lasoo saari doono xukun kamabdeysa ah oo ragaasi ka dhan ah.

Dhan kale Mr Mr Hamid Majid Hamid oo sidoo kale wajahayay dacwad la xiriita falal argigiso ayaa lagu sii deeyay damiin lacageed oo dhan Sh100,000 kadib markii uu beeniyay in uu toogasha ku dilay mid kamid ah ciidamada booliska 29-ki  bishii June.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Laba qof oo lala xiriirinyo kooxda Alshabaab oo Maxkamada kasoo hurmuqday

  1. waxan filaya ragasi iney heli doodin cadaalad maxa yele booliska xeebta shacabka xuquqdooda masiyan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *