Madaxda degaanka Ijara oo dowlada ku dhaliilay in anan lagala tashanin keynta Boni

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degaanka Ijara ee maamul goboleedka Garissa ayaa gudi baarlamaani ah usheegay  in dowlada ay wargeysyada ku soo qortay keynta Boni Forest qeyb ka mid ah oo ka tirsan degaankaasi iyada oo anan la tashanin dadka degankaasi.

Maalintii shalay ayey  ahayd markii  dadka degaanka ay arintan u shegeen gudiga aqalka baarlamaanka uqaabilsan  degaanka iyo qeyraadka dabiiciga ah oo xiligaas ku sugna Masalani.

Waxay shacabka xusen in   kumanaan ruux ay noolol maalmedkooda   keynta Boni Forest ka soo sartaan maadama ay xoolahoodu ay daajiyaan.

Kulankan  ayaa waxaa hogaaminayay qaar ka mid ah siyaasiyiinta degankaasi iyo xubno ka tirsan ururada rayidka .

Senetarka countiga Garissa  Mohamed Yussuf Haji  iyo xildhibaanka laga soo doortay degaan baarlamaneedka Ijara  Ahmed Ibrahim Abass  aya dowlada ku dhaliilay in  dulkaasi muhiimka ah ayan shacabka kala tashanin.

Mr Haj aya gudiga u sheegay in kulanka lagu andacoonayo in dadka degaanka lala yeeshay sanadii 2003-dii uu wax kama jiraan yahay maadama uu xiligaas ahaa mudanaha degaanka Ijara.

Sido kale  seneta maxamed yussuf xaji ayaa carabka ku dhuftay in dad badan ay keynta ku tiirsanyihiin sidaas awgeedna uu soo jeedinayo in dowlada ay sida ugu daqsiyaha badan  ka noqoto  nuqulka ay wargaeysyada ku soo daabacday.

Kulankan oo ka dhacay xarunta CDF-ta  ayaa ahaa mid looga gol leeyahay in lagu dhageysto  waxyaabah ay dadweynaha tabanayaan.

7 xubnood oo ka mid ah gudiga aqalka baarlamaanka ee degaanka iyo qeyraadka dabiiciga ah oo uu hogaaminayo gudoomiyahooda  Wilberforce Otichilo  ayaa  cabashada shacabka dhageeysanayay.

Gudoomiayaha gudiga ayaa dadweynihii munasabaada ka soo qeyb galay usheegay in ay  waxyaabaha ay tabanayaan dhageysteen oo ayna tixgelin doonaan marka ay arimahan u bandhigayaan  aqalka baarlamaanka.

Ugu dambeyntina 4-tii bishii seddexad ee sanadkan ayey ahayd markii ay dowlada wargeysyada dalka ku soo qortay Keynta Boni.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *