Madaxweynaha dalka oo Markale ka hadlay Schoolada dabka la qabadsiinayo

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta Uhuru Kenyatta ayaa markii labaad ka hadlay schoolada dabka la qabadsiinayo oo maalmihii lasoo dhaafay dalka si aad u ugu soo badatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in schoolada aanan la xiri doonin ilaa waqtigii lagagaarayo xiligi loogu tala galay sida qaar kamid ah Mas’uuliyiinta waxbrashada ay horay u soo jeediyeenba.

Qaar kamdi ah dadka deneeya arimaha waxbrashada ayaa goor sii horeysay ku baaqay in la xiro dhamaan dugsiyada si loo yareeyo bur burka loo geysanayo hantida schoolada.

Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan dad kuhowlan sidii ay ooga ganacsan lahaayen waqrqadaha imitixnada kuwaas oo uu hadda sheegay in aysan dhici doonin.

Dhan kale Madaxa ugu sareeyo dalka ayaa ugu baaqay waalidiinta in in aysan cadaasi saarin caruurtoda oo laxiriita imtixanada taas bedelkeedana ay dhiir galiyaan sidii inta awoodooda ah ay u sameyn lahaayen.

Hadalkan Uhuru Kenyatta ayaa ku soo begmayaa xilli qqeybo katirsan dalka laga soo tabinayo dab khasaaro hantiyadeed gesta oo ka kaco qeybaha jiifka ee ardayda sexdaan.

Goor sii horeysay ayeey eheyd markii Ururuka macalimiinta dugsiyada sare ee KUPPETT ay ku goodiyeen in shaqo jojin ay ku dhaqaaqi doonaan hadii muddo 7 maalmood ah aanan lagu xirin dugsiyada dhamaan dalka kuyaala arintaas oo ay dowlada si adaga oga soo horjeesatay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Madaxweynaha dalka oo Markale ka hadlay Schoolada dabka la qabadsiinayo

  1. waxan soo dhawaynaya hadalka madaxweynaha waalidinta waa iney cadasis sariin ilmohoda si ee eysan stress ugu dhicin wayo sababta hada ee skoladka ugubayan waa stresska imtixanka soo socda o an qiish lahayn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *