Madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki oo waalidiinta usheegay in ay qataan masuuliyada dugsiyada la gubayo

Madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki ayaa ra’yigiisa ku biiriyay muranka  ka taagan falalka dugsiyada lagu gubayo.

Mwai Kibaki ayaa carabka ku dhuftay in dugsiyada la gubayo  anan la ogolaan  Karin sido kalena ay tahay arin laga  qoomamoodo.

Hadalkan ayuu madaxweynihii hore ee dalka jeediyay maanta xili uu ku sugnaa  munasabad ka dhacday dugsiga sare ee wiilasha ee Starehe ee magaaladatani Nairobi isaga oo intaas ku daray in waalidinta ay qataan masuuliyada  falalka ay caruutoodu ku kacaan.

Baaqa Mwai Kibaki ayaa kus oo begmaya  saacado ka dib markii  si lama  filaan ah  loo xiray dugsiga  sare ww wiilasha ee Milo Friends  oo ku yaala degaanka webuye ee  galbeedka dalka .

Talaabada dugsigan lagu xiray ayaa timid kadib markii dab la qabadsiyay  qeybta jiifka ee dugsigaasi iyada oo 3 arday oo dhacdadan lala xiriirinayo gacanta lagu dhigay.

Ardaydan ayaa xiliga ay qeybta jifka ee dugsiga gubayeen  dhigayay dibadbax ay uga soo horjedaan arday  cisbitaalka ku jiray oo sida la sheegay udhitay garaac uu ugeystay mid ka mid ah macalimiinta.

Dugsigan ayaa noqonaya midkii 117-ad  ee la gubo mudo laba bilood ah gudahooda halka dadka tacliinta daneeya ay doonayaan in dugsiyada dhamaan la xiro.

Dhanka kale madaxweyne uhuru Kenyatta ayaa waxa u eedeyn ku aadan schoolada la gubayo taas oo ka socota guud ahaan dalka uu u jeediyay waalidiinta isago sheegay in ay gacan weyn ka qaadanaayan iyago ardayda culees ku saarayo in ay la yimaadan natijooyin wanaagsan taas oo ardayda ku dhalineyso  in ay guban schoolada iyago u arka in xalka u ku jiro in ay ku dhaqaaqan talaabadaasi

Waxa u madaxweynaha intaas ku daray in waalidiinta laga doonayo in ay ku dadaalan in caruurtooda ay baran anshax wanaagsan halka ay culeeska ku saari lahaayen in ay guulo kasoo hoyaan imtixaanada qaran oo ay galaan.

Waxa ugu dambeynti u madaxweynaha ku booriyay ardayda in ay ka meelkeenan taclinta isago dhinaca kalena sheegay in ardayda ku kaca falalka schoolada lagu gubayo schoolada in sharciga lala tiigsan doono.

Ugu dambeyntina  tirada dugsiyada ee la gubayo ayaa sara u sii kacayo halka baaqyada arintan la xiriira ee la jeedinayana ay isa soo tarayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *