Qaramada Midoobay oo isku afgartay in Ciidamo Nabad ilaalin ah loo diro dalka Burundi

Qaramada Midoobay ayaa iskuracay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Burundi si ay u a tacaalan qalalaasha dalkaasi kajiro waxayna sidoo kale indha indheen doonaana arimaha xuququl aadanaha.

15 Xubnood ee ka kooban qaramada midoobay ayaa si aqlabiyad leh iskugu raacay shalay oo jimco eheyd in ciidmo gaaraaya 228 boolis oo si gaar ah u tababaran.

In ka badan 450 oo qof ayaa la dilay, kumannaan kun oo qof oo kalana waa ay ka qaxeen guyahooda tan iyo bishii Abriil markaas oo Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu u tartamo xilka mar saddexaad, taasi oo khilaaf badan dhalisay.

Goor sii horeysay eyeey eheyd markii kulan ay Midwoga ASfrica ku yeeshen Magaalada Adiss Ababa isku raacen qorshe qabyo ah oo ciidamo nabad ilaalin loogu dirayo dalka Burundi, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *