Wasiirada Arimaha Dibadda oo Baaq u dirtay Beesha Caalamka

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalka Aamina Maxamed ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in la sii wado maalgelinta howl galka AMISOM ee Soomaaliya, hadii la rabo mise la doonayo in nabad waarta laga gaaro Gobolka.

Khudbad ay ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee ka dhacay xarunta dhaxe ee UN-ta ee magaalada New York ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay in la taageero Ciidanka AMISOM si ay u xii xoojiyaan dalalka ay nabad ilaalinta u joogan.

Waxaa ay walaac ka muujisay mushaar dhimista lagu sameeyay Ciidamada AMISOM, iyadoo xustay in hadii la doonayo in nabad laga dhaliyo Soomaaliya iyo Gobolkaba in la sii joogteeyo taageerida dhaqaalaha ee AMISOM.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in mushaar dhimistii uu sameeyay Midowga Yurub ay keentay caqabado, waxaana ay ka dalbatay Golaha Ammaanka inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrintan.

Midowga Afrika ayaa dhowaan waxaa uu dhimay mushaarkii la siin jiray Ciidamada AMISOM 20%, taasoo caqabad ku noqotay dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa goor si horeysay waxaa abuuray Midowga Africa si ay ula dagaalan Kooxda Alshaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaliya.

Dalalka Kenya , Djibouti, Ethiopia and Burundi ayaa waxay ciidamo ka joogan dalkaasi Soomaliya si xasilooni ay ugu soo celiyaan Soomaliya wallow ay jiraan caqabada kaga imaanaya dhanka kooxda Alshabaab oo ay dagaalka kula jiraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *