Gudoomiyaha IEBC iyo xubno kale oo wajahaya su’aalo weydiin adag

Masuulka ugu sareeya gudiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha dalka ee IEBC Ahmed Isack Hassan ayaa lagu wadaa in uu maalinta bari ee isniinta ah kasoo hor muuqdo gudi isku dhaf ah oo ka kooban aqallada baarlamaanka.

Mr Hassan iyo xubno kale oo ka tirsan gudigiisa ayaa wajahaya in su’aalo laga weydiiyo eedeymo loo jeediyay oo ku saabsan in aysan shaqadooda daacad u ahayn.

Saraakiisha kale ee loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah madaxa dulinta ee gudiga IEBC Ezra Chiloba, ku xigeenka xog hayaha IEBC Beth Sungura Nyabuto,  agaasimaha howlaha doorashada Immaculate Kassait,  Thomas Letangule and Mohamed Alawi iyo agaasimaha arrimaha sharciga ee gudigaasi Praxedes Tororey.

Sidoo kale waxaa warqadda kasoo baxday baarlamaanka oo ku asteysneyd 29-ki bishaan July loogu yeeray 2 xubnood oo ka tirsan gudiga IEBC oo kala ah Thomas Letangule iyo Mohamed Alawi.

U yeeritaanka saraakiisha gudiga madaxa bannaan ee doorashada ayaa yimid xili dhawaanahaan ay socdeen dalabyo ku aadan in la kala diro madaxda iyo xubnaha gudigaasi oo lagu eedeeyay in ay dhinac u janjeeraan.

Hase ahaatee siyaasiyiinta dowladda iyo mucaaradka ayaa isku raacay in aan wax is badal ah lagu sameynin waqtiga doorashada guud ee dalka oo ku aadan 98-da bisha August ee sanadka soo socda, waqtigaasoo imaanaya xili uusan wali waqtigooda shaqo dhamaanin saraakiisha IEBC ee uu hor kacayo Ahmed Issack.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *