Sarkaal ka tirsan booliska oo ku dhintay shil gaari

Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Makuweni ayaa sheegaya in galinkii hore ee shalay uu shil gaari oo ka dhacay halkaas ku geeriyooday sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska ee dalka.

John Kisilu oo ahaa sarkaal ka howlgalayay waaxda shuruucda wadista baabuurta ee magaalada Nyeri ayaa xiliga uu shilka galayay kusii wajahnaa aqalkiisa, sida ay saraakiisha laamaha amanaka sheegeen.

Hase ahaatee xaaska sarkaalka dhintay oo la saarneyd gaariga ayaa lagu soo waramay in uu soo gaaray dhaawac aad u culus oo hadda isbiutaalka looga daweynayo.

Shilkaasi oo aan lasoo tabinin cid kale oo wax ku noqotay ayaa dhacay abaare 10-kii barqanimo ee shalay oo sabti ahayd.

Taliyaha ciidamada booliska ee maamul goboleedka Nyeri  Masai Makau ayaa xaqiijiyay dhimashada sarkaalka ka tirsanaa masuuliyiinta ciidamada booliska gaar ahaan kuwa ilaalada nabad galyada wadooyinka ee loo yaqaanno Taraafikada.

Shilalka gaadiidka aad ugu badan dalka ayaa inta badan loo aaneeyaa taxadar yaraan ka imaata dhinaca darawaliinta, in kastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay shilka uu shalay ku geeriyoday sarkaalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *