8 arday oo ku dhaawacantay School ku gubtay Mombasa

8 caruur ah oo arday ah ayaa ku dhaawacantay dab xoogan oo qabsaday qeybta jiifka ee Schoolka hoose/dhexe ee St Augustine oo ku yaalla degmada Tudor ee maamul goboleedka Mombasa.

Gudoomiyaha dhinaca maamulka dowladda dhexe u qaabilsa Mombasa Maalim Mohammed ayaa sheegay in caruurta ardayda ah ee ay dhaawacyada kasoo gaareen dabkaasi loola cararay Isbitaalka guud ee gobolka xeebta.

Sarkaalkan ayaa sheegay in inta badan ardaydaasi ay qabeen dhibaatooyin u badan neefta oo ku dhagtay, iyagoo haddana xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Sidoo kale qaar ka mid ah ayaa la argagaxay dabka ka kacay Schoolkooda oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay.

Hase ahaatee dhamaan caruurta waxyeellada soo gaartay ayaan ku jirin xaalado khatar ah, sida laga soo xigtay masuuliyiinta.

Dabka kii ugu horreeyay ee Schoolkaasi ka kaca ayaa saameeyay qeybta jiifka ardayda eek u taalla dabaqa 2-aad ee dhismaha Schoolka, iyadoo durbana lagu guuleystay in la damiyo si uusan waxyeello kale u sii geysanin.

Booliska ka howl gala Mombasa ayaa wada baaritaanno ku aadan dhacdadaasi, wallow gudoomiyaha Mombasa Mr Mohamed uu sheegay in uusan jirin wax tuhun ah oo laga qabo in Schoolkaasi dab la qabadsiiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *