Hogaamiyeyaasha Machakos oo cambaareeyay fal uu nin xaaskiisa gacamaha uga gooyay

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta laga soo doortay maamul goboleedka Machakos ayaa si carol eh uga hadlay fal ku saabsan nin xaaskiisa labada gacmood ka gooyay kadib markii sida la sheegay uu ku qoomay in ay carruur isku dhali waayeen.

Ninkaasi ayaa maalintii isniinta ahayd ee isbuuci lasoo dhaafay xaaskiisa gacmaha ka jaray isagoo tallaabadaas u qaaday si uu u ciqaabo xaaskiisa oo aan waxba dhalin muddo 7 sanadood ah oo ay wada joogeen.

Wakiilka haweenka maamul goboleedka Machakos u matasha aqalka baarlamaanka ee dalka Dr Susan Musyoka oo si adag u cambaareysay dhacdadaan ayaa dalbatay in caddaaladda la hor geeyo ninka ku dhaqaaqay falkaasi.

Qoyska ay kasoo jeeddo haweeneyda dhaawaca loo geystay oo lagu magacaabo Jackline Mwende oo 27 sano jir ah ayaa codsaday in dhaqaale ahaan looga caawiyo sidii ay gabadhooda u xanaaneyn lahaayeen.

Aabaha dhalay haweeneydaasi, Mr Samuel Munyoki ayaa ka waramay dhibaatada gabadhiisa loo getsya oo uu sheegay in aysan ahayn mid u qalanta in ay ku dhacdo.

Jackline Mwende ayaa warbaahinta u sheegtay in seygeeda ay waligood isku fiicnaan jireen balse ay isku dhacsanaayeen mudadii 3-da bilood ahayd ee lasoo dhaafay.

Ciidamada amaanka ayaa 25-kii bishii July ee lasoo dhaafay xabsiga u taxaabay ninka xaaskiisa gacmaha ka jaray oo lagu magacaabo Ngila Thenge oo 34 sano jir ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *