Sarkaal ka tirsan dowlad goboleedka Machakos oo loo maxkamadeeyay kiis fara xumeyn ah

Mid ka mid ah shaqaalaha dowlad goboleedka Machakos ayaa lasoo hor muuqday maxkamadda isagoo wajahayay kiis dacwadeed oo ku saabsan in uu fara xumeeyay gabar aan qaangaar ahayn.

Paul Mutunga oo loo yaqaanno “Kindawa” ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay kadib markii uu hor tagay maxkamadda Machakos oo ay garsoore ka ahayd haweeneyda lagu magacaabo Irene Kahuya.

Sarkaalkan ayaa ayaa lagu eedeeyay in uu gabadha yar xad gudubkaasi ku sameeyay 22-ki bishii July ee lasoo dhaafay xili ay ku sugneyd isbitaalka weyn ee magaalada Machakos.

Ninkaan eedeysane ah ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu weerar dhinaca galmada ah ku qaaday qof carruur ah, taasoo ka hor imaaneysa sharciga weerarada galmada qodobkiisa 11-aad qeybtiisa 1-aad, in kastoo eedeyntaasna uu gaashaanka ku dhuftay.

Qaeeenka isaga u doodaya oo lagu magacaabo J.Kyalo ayaa ku guuleystay codsi uu maxkamadda u gudbiyay oo ahaa in dam,iin lagu sii daayo eedeysanaha uu difaacayo.

Haweeneyda xaakinka ka ah maxkamadda ayaa Mr Mutunga kusii deysay damiin lacageed oo dhan 100,000 oo shilinka dalka ah, iyadoo dhageysiga kiiskiisana mar kale u asteysay 6-da bisha September, wallow kiiskaan la xusi doono 7-da bishaan August.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *