Diyaaradaha dagaalka ay leeyihiin maraykanka oo duqeymo ka geeystay waddanka Libya

Diyaaradaha dagaalka oo ay leeyihiin waddanka maraykanka ayaa waxa ay duqeymo dhinaca cirka ah ay ka geeysteen waddanka Libya weerarkaas oo ay ku begsanaayen ciidamada daacish ee ka dagaalama waddankaasi kuwaas oo u fadhigooda yahay magaalada Sirte waxana sidaasi shaacisay dawladda dalkaasi Libya.

Raisul wasaaraha dalka Libya Fayez AL-Saraj ayaa khudbad u ka jeedinaayay taelevishanka ayaa waxa u sheegay in Maraykanka u duqeymo u geeystay ISIL-ta Libya taas oo u khasaaro weyn uu ugu geeystay.

Xili u Warbaahinta la hadlaayay kadib hawlgalkaasi ka dhanka ah ISIL ee laga fuliyay magaalada Sirte ayaa xoghayaha maraykanka Peter Cook waxa u sheegay in dawladda maraykanka ay sii wadi doonto duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay la beegasaneyso kooxda isugu yeerto khilaafada Islaamka ee ISIL garabkeeda Libya iyado ay iska kashanaayan dawladda qaran ee Libya.Duqeymahan ayaa daba socday codsi ay midowga dawladda iyo dawladda qaran ee GNA ay ka gudbiyeen daacishta ka dagaalanta waddankaasi.

Dawladda qaran ee Libya u fadhigeedu yahay magaala madaxda waddankaasi ee Tripoli ayaa waxa ay bilawday hawlgalka ka dhanka ah kooxdan biisha May taas oo ay ku dooneysay in ay kala wareegto xarunteeda weyn ee Sirte oo ah magaalada u ka soo jeeday madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Gaddafi kaas oo xukunka laga tuuray.

Magaaladan ayaa waxa ay 450 kilomitir u jirta magaala madaxda waddankaasi ee Tripoli waxana ay kaga beegan tahay dhinaca bari waxana dagaalka loogu jiro la wareegideeda u galaaftay noolasha 280 ruux oo ka soo jeeda dhinaca dawladda halka 1500 oo kalena ay ku dhaawacmayn.

1 thought on “Diyaaradaha dagaalka ay leeyihiin maraykanka oo duqeymo ka geeystay waddanka Libya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *