IEBC oo loogu baaqay in ay karka aqonsiga dalka ka dor bidan karka codeynta

Dawladda ayaa labo sano ka hor kula talisay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC in ay ka tanaasulan karka codeynta iyado kula talisay in ay isticmaasho karka aqonsiga dalka ee ID-ga xiliga doorashada ay ka dhacayso dalka waxana la sheegay in ilaa iyo hadda ay 9.2 milyan oo Kenyan ah aysan isku diiwan gelinin in ay noqdan cod bixiyaal ka hor inta aan la gaarin doorashada guud ee la filayo in ay dalka ka dhacdo sanada 2017-ka.

Wasiirka maaliyada dalka Henry Rotich ayaa warqad uu u qorey gudoomiyaha gudigan Ahmed Isack Hassan ayaa waxa u ku xusay in isbadalka ku yimid sharciga awgis ay soo qaadan karan xogta ku aadan kararka aqoonsiga ee ay heystaan dadka Kenyanka ah iyagona u badali karo kararka codeynta.

Sida laga soo xigtay jadwalka gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa waxa ay gudigan ku sheegen in ay qorsheynaayan oo kaliya in ay qabtan diiwangalin cusub qeybta ugu hore ee sanadaka soo socda ka hor inta aysan doorashada dalka ka dhicin 8-da biisha August ee isla sanadkaasi.

Warqada ayaa waxa sidoo kale ku qoran soo jeedimo ku aadan habka gudiga uu u yarayn lahaa lacaga ku bixi doono diiwangalinta u sameyn doono sanada inagu soo aadan waxa u dhinaca kale wasirka sheegay in gudiga looga bahan yahay in xaalinta khilaafadka doorashooyinka la xiriira in ay u daayan garsoorka maadama u kiisaska intooda badan oo ay gudigan tahay shaqadooda ay ku soo dhamaadan in laisla tigsado maxkamadda ugu sareyso dalka ee High Courtka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *