Culumaa’udiinka Mandera oo baaq ku aadan dhinaca caafimaadka u jeediyay dowladda Kenya

Qaar ka mid ah culumaau’diinka ku dhaqan maamul goboleedka Mandera ayaa dowladda Kenya ka codsaday in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhashay kaneecada oo faro ba’an ku ahaya shacabka reer Mandera.

Sh abdicasiis Xaaji Cumar oo ah madaxa culumaa’udiinka Ahlu Sunna wal Jamceeda ee Mandera oo wareysi siiyay Idaacadan Star Fm ayaa sheegay in kaneecada hadda faraha kulul ku heysa dadka reer Mandera ay tahay mid lagu beeray halkaasi.

Dhinaca kale Sh abdicasiis ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan eedeymo ay dhawaan maamulka gobolka Gedo u jeediyeen masuuliyiinta maamul goboleedka Jubaland oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka.

Waxa uu cambaareeyay dhaleeceyn ku saabsaneyd in madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu musuqmaasuqay deeq raashin ah oo loo waday dadka ku dhaqan gobolka Gedo.

Sidoo kale sheikh Abicasiis ayaa ku booriyay masuuliyiinta iyo shacabkaba in ay qadariyaan madaxda maamul goboleedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *