Faahfaahin kasoo baxeysa dab xalay ka kacay xaafada Kibera

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaare hantiyeed oo ka dhashjay dab xoogan oo xalay fiidkii ka kacay xaafadda isku raranta ah ee Kibera ee magaalada tan Nairobi.

Ma jirto cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay dabka oo saameeyay qeyb ka mid ah dhismeyaasha xaafadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha  ciidamada booliska.

Hase ahaatee tiro badan oo dad ah ayaa xalay ku hoyday banaanka oo uu qabow daran ka jiray, maadaama guryohooda ay ku baaba’een dabkaasi, iyagoo hanta kalena halkaas ku waayay.

Dabka oo aan ilaa iyo hadda la garaneynin waxa uu ka dhashay ayaa ka bilowday 1 guri, isagoo kadibna si dhaqso ah ugu sii fiday guryaha kale ee ku xiriirsanaa aqalkaasi.

Booliska Nairobi ayaa sheegay in ay hadda billaabeen baaritaanno loogu kuur galayo sababtii ka dambeysay dabkaasi xooganaa ee xalay waxyeellada ka geystay xaafadda isku raranta ah ee Kibera.

Dadka guryohooda ku waayay musiibadaan oo u badan kuwo dan yar ah ayaa dowladda ka codsaday in ay gacan ka siiso sidii ay mar kale u dhisan lahaayeen aqaladooda.

Xaafadda Kibera oo ah xaafadda isku raranta ah ee ugu weyn gobolka ayaa waxaa marar badan kusoo noqnoqda dhacdooyinka dabka oo qasaare kala duwan sababa.

Bishii March ee sanadkaan ayey ahayd markii ay in ka badan 30 dhisme oo ku yaalay xaafadaas ku bas beeleen dab aan la aqoonin sababtii uu ka kacay.

Sidoo kale dabayaaqadii bishii February ee isla sanadkaan ayuu dab kale oo guryo badan nbur buriyay guryo badan oo ku yaallay xaafada Kibera, in kastoo aysan jirin cid wax ku noqotay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *