Kenya iyo Cuba oo iska kaashanaya howlaha caafimaadka

Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa lagu wadaa in ay si wada jir ah isaga kaashadaan horumarinta adeegyada caafimaadka ee labadooda wadan.

Masuuliyiinta labada dal ayaa hoosta ka wada xariiqay in ay iska kaashan doonaan barnaamijyo lagu rtaageerayo shaqaalaha caafimaadka iyo kala badalashada qalab caafimaad oo heer sare ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in wada shaqeyn dhinaca caafimaadka ah oo dhex marta Kenya iyo Cuba ay gacan weyn ka geysan doonto qorsheyaasha ay dowladiisa ku dooneyso in ay shacabka ugu sameyso adeegyo caafimaad oo loo riyaaqo.

Hadalkaan ayuu Mr Kenyatta ka sheegay kulan uu saaka aqalka madaxtooyada ee magaalada tan Nairobi kula yeeshay danjiraha dowladda Cuba u fadhiya wadankani Kenya Ambassador Raul Rodriguez Ramos.

Mr Ramos ayaa isagana dhankiisa xaqiijiyay in ay xukuumadaha Nairobi iyo Havana si buuxda uga shaqeyn doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda arrimo badan oo ay ka mid tahay sare u qaadista waaxda caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *