Leroy Sane oo ku biiray kooxda Manchester City

Laacibka reer jarmal ee u dheeli jiray kooxda ka dheesho horyalka Bundesliigaha ayaa waxa hadda shaaca laga qaaday in u ku biiray kooxda u laaliyo tababare Pep Guardiola ee Manchester City waxana warar dheerad ah ay sheegayan in ay kooxdaas ku soo iibsatay xiddigan lacag qiimaheeda lagu sheegay in ay tahay 37 milyan oo ginni.

20 sano jirkan ayaa waxa u qalinka ku duugay heshiis shan sano ah waxana u ciyaaryahankan kamid ahaa ciyaartoyda xulka jarmalka u matalaayay ciyaaraha yuroga ee ka dhacay waddanka faransiiska waxana u kalin  weyn ka qaatay in u xulkiisa gaaro nus dhamaadka ciyaaraha yuroga ee sanadkan waxana u xili ciyaareedka tagay u shabaqa taabtay shan jeer 33 kulan ee u ka qeyb galay iyadoo ay kooxdiisa ku dhameeysatay kalinta 5-aad ee jadwalka liiga jarmalka ee Bundesliigaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *