Barcelona oo caashir bartay Leicester City

Kooxda Barcelona ee ka dhisan waddanka Spain ayaa waxa ay ka adkaatay kooxda heysato horyalka Ingiriiska ee EPL Leicester City wallow libaaxyadan reer Spain u laba gool ka dhaliyay ciyaaryahanka ay dhaawan kooxda Leicester la soo wareegtay ee Ahmed Musa kaas oo ay ku soo iibsatay 16 milyan oo ginni waxana ay labada kooxood isku arkeen ciyaar ka tirsanayd koobka International Champions Cup waxana u laacibkaas u kala dhaliyay labadaasi gool daqiiqadaha kala ah 48-aad iyo 66-aad.

Barcelona iyadana waxa goolasheeda u kala dhaliyay ciyaaryahanadeeda kala ah Munir  El haddadi oo laba gool kala dhaliyay daqiiqadaha kala ah 26-aad iyo 45-aad waxana goolasha kale dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Luis Suarez iyo Rafa Mujica daqiiqadaha kala ah 34-aad iyo 84-aad.

Leicester ayaa lagu wada in ay ololaha ay u galeyso in ay sii heysato horyalkaasi ay ku dah furato kulan ay la yeelaneyso kooxda Hul city 13-ka biisha August.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *