Ciidamada amaanka oo toogasho ku dilay 2 qof oo ka mid ahaa shacab weerar ku qaaday booliska

2 ruux oo rayid ah ayaa toogasho lagu dilay kadib markii ay dadweyne fara badan isku dayeen in ay weerar ku qaadaan saldhiga ciidamada booliska ee magaalada Bondo ee maamul goboleedka Siaya.

5 qof oo kale oo ay dhaawacyo kasoo gaareen dhacdadaasi ayaa la dhigay isbitaalka degmada Bondo, halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

2-da qof ee dhimatay ayaa ka mid ahaa dadweyne careysan oo ku duulay saldhiga, iyagoo dalbanayay in loo soo gacan galiyo 2 haween ah oo ku xirnaa halkaas, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay carruurta afduubtaan.

Shacabka ayaa damacsanaa in lasoo daayo 2-da dumarka ah si ay gacantooda ugu dilaan iyagoo aan la sugin sharciga.

Booliska ayaa ku guul dareystay dadaallo ay u sameeyeen in ay shacabka ku kala diraan, iyagoo markii dambena ku qasbanaaday in ay u adeegsadaan suntan dadka ka ilmeysiisa.

Taliyaha saldhigaasi oo lagu magacaabo Paul Kiarie ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qasab ku noqotay in ay rasaas nool nool u adeegsadaan dadka careysan oo saldhiga dhagaxaan ku tuurayay.

Dumarka la xiray ayaa booliska u sheegay in cunuga ay wateen ay dhashay gabar walaashood ah, taasoo isbitaalka ku dhimatay isla markii ay umushay.

Si kastaba, laamaha amaanka ee gobolkaas ayaa hadda baaritaanno ku wada arrintaasi.

Dhanka kale, booliska ku sugan Lamu ayaa billaabay ugaarsi ay ku doon doonayaan dad la tuhunsanyahay in ay diyaariyeen bamboo la damacsanaa in ay ku qaraxdo gaari ay la socdeen ciidamada amanaka eek u guda jira howlgalka loo yaqaanno Linda Boni ee ka dhanka ah dhaqdhaqaaqyada al shabab.

Bambada oo wadada dhineceeda la dhigtay ayuu ka badbaaday gaarigii dul mari rabay, mana jirto cid wax ku noqotay oo lasoo tabiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *