Daacish oo hoggaamiye cusub u magacaawday boko haraamta Nigeria

Kooxda daacish ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay hoggaamiye cusub ay u magacaawday kooxda boko xaraam ee ka dagaalanta waddanka Nigeria sida laga ay sheegtay wakaalad warar ee lala xiriiriya Daacish waxa ayna wakaaladan sheegtay in Abu Muscab Al-Barnawi oo ahaa afhaayeenka kooxda xilkaas loo magacaabay waxana u qaadanaya booska u heyn jiray hoggaamiyaha Boko xaraam Abubakar Shekau kaas oo ahaa hoggaamiyaha boko xaraam tan iyo sanadi 2009-ki.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta u isbedelkaas u dhacay iyo waxa u noqon doona mustaqbalka Abubakar Shekau.

Kadib marki xilkaas loo magacaabay ayaa Barnawi waxa u sheegay in ciidamadiisa ay yihiin kuwa lagu xisaabtami karo isla markaasina ay sii wadi doonan dagaalka ay kula jiraan wadamada reer galbeedka ah.

Boko Haram ayaa waxa ay hawlgaladeeda ka dhanka ah dawladda Nigeria ay ka bilawday waddankaasi sanada 2009-ka waxana la sheegay in ilaa iyo hadda ay 20,000 ay dishay kooxdaasi halka 2.5 milyan oo qofna ay ka barakaceen guryahooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *