Roberto Martinez oo loo magacaabay in u noqdo tababaraha cusub ee xulka Belgium

Tababarihi hore ee kooxda Everton uuna dhashay waddanka Spanishka Roberto Martinez ayaa waxa loo magacaabay in u hoggaanka u qabto xulka Belgium.

43 sano jirkan ayaa waxa ay Everton shaqada ka erisay kadib 3 sano oo u kooxdaas laalinaayay waxana u qaadanaya booska u baneeyay Marc Wilmots kaas oo shaqadiisa isaga tagay biisha aanu soo dhaafnay 2 isbuuc kadib marki ay ciyaaraha yuroga ee sanadkan ay soo gaba gabooben waxana xulka u laalinaayay ee Belgium looga adkaaday rubac dhamaadka waxana ka reebay ka qeyb galka ciyaarahaas xulka Welsh.

Martinez ayaa lagu wada in u maanta shir u ku la hadlaayo saxaafada u qabto waxana u kulankiisa ugu horeeyo ee xulkaasi hoggaamiyo u ku wajihi doona xulka Spain 1-da biisha August waxana u horey u la soo shaqeeyay ciyaartoyda reer Belgium ee kala ah Marouane Fellaini, Romelu Lukaku iyo Kevin Mirallas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *