Sarkaal ka tirsan booliska oo lagu eedeeyay weerarki lagu qaaday saldhiga booliska ee Kapenguria

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ayaa waxa maalinta shalay ahayd lagu eedeeyay fal argagixisnimo kaas oo la xiriira weerarki lagu qaaday saldhiga booliska ee Kapenguria horanti biisha dhamaatay ee July waxana sarkaalkan magaaciisa lagu sheegay Abdi Ali Jelle oo ku magic dheer Abdimunaf Jelle waxana sarkaalkan la soo hortaagay maxkamadda Milimani iyado ay kiiskiisa dhageysaneeysay haweeneyda garsooraha ka ahayd maxkamadaasi ee Martha Mutuku.

Dhacdada weeraka loogu qaaday saldhigaas boolis ee kuyaala galbeedka countiga Pokot ayaa waxa lagu dilay 7 ruux iyado u weerarkaasina geeystay nin lagu sheegay magaciisa Abdi Hakim Maslam kaas oo ahaa sarkalka ka tirsan booliska oo ka hawlgali jiray saldhigaasi.

Sarkaalka ka tirsan ciidamada booliska kuwooda la dagaalamo argagixisada ee loo yaqaano ATPU ayaa waxa uu ugu baaqay in ay maxkammada damin ku sii daynin Mr Jelle maxa yeelay waxa u carqalad ku yahay ammaanka dalka.

Ciidamada booliska ee ATPU ayaa waxa ay sheegen in Mr Jelle la soo qabtay magaalada Embu tarikhda marka ay ahayd 19-ka biisha july ee sanadkan kadib marki u barta u ku leeyahay Facebuuga u ku soo qoray warbixin la xiriirta weerarka lagu qaaday saldhiga booliska ee Kapenguria,Mr Mwiti oo ka tirsan ciidamada booliska ee  ATPU-da ayaa sheegay in Mr jelle haddi ay maxkamadda siiso damin in u cabsi galin karo markhatiyaasha  kiiska ka dhanka ah isaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *