Xoogaga dawladda Syria oo guulo ka gaaray dadaal ay ugu jiraan in ay dib u qabsadaan magaalada Allepo

Dawladda Syria oo gacan ka helaaya dawladda ruushka ayaa waxa ay hawlgalko ka fuliyeen magaalada labaad ee ugu weyn waddanka Syria ee Allepo oo ay heystaan ciidamada ka soo horjeeda dawladda madaxweyne bashar Al assad waxana la sheegay in ay hadda qabsadeen xaafado iyo buuro kuyaala duleedka magaaladaasi kuwaas oo kaga beegan konfuur galbeed sida laga soo xigtay wakaalada warar oo ay leedahay dawladda Syria.

Rami Abdel Rahman oo ah madaxa hay’ad fadhigeedu yahay waddanka Britain ee kor kala socda xadgudubyo ka dhaco waddanka Syria ayaa waxa u sheegay in labada bari ee ugu dambeysay in ay dawladda bilaawday hawlgalo ka dhan ah xoogaga kasoo horjeedad jiritaanka xukumada u hoggaanka u hayo madaxweyne bashar al assad waxana u Mr Rami intaas ku daray in hawlgaladaasi ilaa iyo hadda lagu dilay dad kor u dhaafay mucaaradaka ka dagaalama waddankaasi.

Goobaha ay dawladda ka fara maroojiyen mucaaradka ayaa  waxa kamid ah Telat al-Mahroukat iyo xafadaha kala ah  Khweriz iyo al-Amriyeh kuwaas ay laba bari ka hor qabsaden mucaaradka dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *