Dhismeyaal sharci darro ahaa oo laga dumiyay xaafadda Buruburu

Dowladda maamul goboleedka Nairobi ayaa saqdii dhexe ee xalay sameysay howlgallo ay ku bur burisay dhismeyaal sharci darro ahaa oo ku yaallay qeybta 3-aad ee xaafadda Buruburu.

Tallaabadaan oo mudooyinkaanba la qorsheynayay ayaa waxaa qaaday waxda hirgalinta sharciga ee ismaamulka Nairobi ee uu fadhigeedu yahay xarunta City Hall.

Ganacsato meherado ku lahaa goobahaasi ayaa saaka argagax la kulmay kadib markii ay kusoo tooseen xarumohoodi ganacsiga oo la baabi’iyay.

Gudoomiyaha degmada Buruburu haweeneyda lagu magacaabo Susan Onanga ayaa sheegtay in dhismeyaasha la burburiyay ay gudaha ugu jireen wadada, taasoo sharci darro ka dhigeysa sii jiritaankooda.

War saxaafadeed ay soo saartay Ms Onanga ayey ku sheegtay in howlgalkaasi la fuliyay kadib markii ay soo badatay cabashada ay dadka shacabka ah ka muujinayeen dhismeyaasha xiray wadooyinka.

Waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqday in dowladda Countiga Nairobi ay sii wadi doonto burburinta dhismeyaasha sharci darrada ah ee ku yaalla xaafadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *