Keriako Tobiko oo doonaya in xabsi daa’in lagu xukumo nin loo heysto dhoofinta foolasha marooodiga

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda guud ee dalka Keriako Tobiko ayaa u xusul duubaya in xukun xabsi daa’in ah lagu rido eedeysane loo heysto in uu ka ganacsan jiray dhoofinta foolasha maroodiga.

Mr Tobiko ayaa maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku doonayo in go’aankaas laga gaaro kiiska ka dhanka ah eedeysanaha oo lagu magacaabo Feisal Mohamed Ali.

Agaasimaha dacwad soo oogidda ayaa garsoorka maxkamadda sare ku booriyay in ay dib u eegis ku sameeyaan xukunkii ay dhawaan ku rideen ninkaas oo ahaa 20 sano oo xabsi ah.

Dacwad oogaha ka socda dhinaca dowladda Alex Jamii ayaa sheegay in Keriako Tobiko u wacad ku maray in uu dadaal u sameyn doono sidii xukunka 20-ka sano ee xariga ah loogu badali lahaa mid abid ah.

Mr Jamii ayaa codsiga Tobiko ka diiwaan galiyay maxkamadda, iyadoo garsoorka laga dhowrayo in ay kasoo jawaabaan, iyagoo kala cadeyn doona in ay aqbalaan iyo in kale.

Kiiska ka dhanka ah Mr Ali oo ahaa mid aad u culus ayaa in muddo ah ka socday maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Mombasa ee gobolka xeebta dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *