Madaxweynaha dalka oo gaaray wadanka Ethipia

Wafdi uu hor kacayo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta abaare 3pm galbnimo gaaray  magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay saraakil sar sare oo katirsan dowlada dalkaasi iyo safiirka dalkani Kenya u fadhiya Ethiopia Amb. Catherine Mwangi.

Madaxweynaha ayaa islamarkiiba la geeyay halkii uu ka socday shir ay yeelanayeen madaxda gobolka oo looga hadlayo arrimaha Somalia iyo Suudaanta Koonfureed.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax kale oo ka socota wadamada urur goboleedka IGAD, iyagoo ka arrinsan doona isbadaladii ugu dambeeyay ee kasoo cusboonaaday gobolka.

Masuuliyiin ka socota hay’adaha daneeya arrimaha Somalia iyo Koonfurta Suudaan ayaa sidoo kale lagu casuumay shirkaasi oo uu madaxweynaha Somalia khudbad ku saabsan xaaladda Somalia ka jeedin doono.

Shirkan oo uu gudoominayay gudoomiyaha wadamada urur goboleedka IGAD ahna ra’iisul wasaarahada dalka Ethipiopia Hailemariam Desalegn ayaa waxaa si aad ha loogu gorfeynayay dagaalada dib oga soo cusboonaaday dalka South Sudan.

Waxayna madaxda kasoo qeyb gashay kulankaasi qaada dhigayeen sidii xal deg deg ah loogu heli lahaa dagaalada Konfurta Sudan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *