Madaxweyne Kuxigeenka dalka oo sheegay in aysan jirin cid tikidka Jubilee la siiyay si uu ugu tartmo doorashada soo socota

Madaxweyne Kuxigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in aysan jirin ilaa iyo hadda cid la siiyay tikidka Jubilee si uu ugu tartamo xil doorashada fooda inagu soo hayso ee la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2017-ka.

Ruto ayaa ku nux nuxsaday in qofkii ka tirsan isbahaysiga Jubilee oo doonayo in uu u tartmo jago doorashada looga baahan yahay in ay cod aqlabiyad leh ka helaan deeganada ay kataagan yihiin.

Dhanka kale waxa uu intaa ku daray in qof walbo mise siyaasi walbo u xor u yahay in kasoo istaago mise uu iska soo sharaxo goob kasta u doonayo.

Madaxa labaad ee ugu sareeyo dalka oo maanta ka hadlayay schoolka hoose dhexe ee Kongasis ee kuyaala deeganka Gilgil ee katirsan Countiga Nakuru xilli uu furayay mashruuc koronto, ayaa dhanka kale waxaa uu ka hadlay isbahaysiga Jubillee isagoo sheegay in waxa ay u taagan yihiin ay tahay oo kali ah sidii loo mideyn lahaa shacabka ree Kenya hormarna loo gaarsiin lahaa.

Gavanaha Countiga Nakuru Kinuthia Mbugua  oo booqashadaasi madaxweyne Kuxigenka ku wehlinayay ayaa mahad celin u jeediyay Ruto shaqada isaga iyo madaxweynaha ay u ahaayan dadweynaha soo dortay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *