5000 oo computarada gacanta ah oo la soo gaar siiyay dalka

5000 oo ah computarada gacanta ee loo yaqaanno Laptopka oo laga keenay dalka shiinaha ayaa shalay la soo gaar siiyay dalka.

Xoghayaasha kala ah Victor Kyalo iyo Belio Kipsang ayaa laptopyadaasi ku qaabilay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo kenyatta ee Magaalada tan Nairobi.

Dowlada isbahaysiga Jubilee ayaa goor sii horeysay u balan qaday ardayda dhigata fasalka koowad ee dugsiyada hoose dhexe in la siin doono islamarkana ay ku aqrisan doono qaab casri ah oo ah in ay heli doonaan computradaasi si ay wax ugu bartaan.

Mr Kyalo oo ah xoghayaha wasaarada teknoolijiyada ayaa sheegay in 20,000 oo laptop lagu keeni doono diyuurada halka inta hartay oo kalana dabayaaqada bisha September dalka soo gaari doonaan.

Tan ayaa kadamebeysay iyadoo ilaa iyo hadda 12,000 oo laptop loo qeybiyay 150 school oo ku bilaabay in ay waxbarashadooda taas oo kamid ah 1.2 Milyan oo laptop oo ay balan qaaday Jubilee intii ay kuguda jireen ololaha siyaasadeed ka hor doorashadii dalka ka dhacday sanadki 2013-kii.

Dhanka kale xoghayaha wasaarada waxbarashada Dr Kipsang ayaa sheegay in gudiga adeega macalimiinta ay diyaarinayaan macalimiin howshooda noqon doonto ku wax barida caruurta computaradaasi.

Macalimiin gareysa 2,775 ayaa lagu wadaa in dabayaaqada sanadkan loo tababaro habkan casriga ah ee ay ardayda fasalka 1-aad wax ku baranayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *