Madaxweyne Kuxigeenka dalka oo dadka ku dhaqan Nyanza ugu baaqay in ay doorashada soo socoto Jubilee tageraan

Madaxweyne ku xigeenka dalkani Kenya William Ruto ayaa shacabka ku shaqanka gobolka Nyanza ugu baaqay in dorashada guud ee soo socoto ay tageraan xisbiga jubilee.

Mr Ruto ayaa sheegay in kasta oo shacabka gobolkaasi ay si weyn u tageraan hogaamiyaha isbeheysiga mucaradka ee cord  Raila Odinga, waxaa wanaagsan in ay tageraan  koox guuleysaneysa.

Madaxweyne ku xigeenka oo dadka  maamul goboleedka Migori  la hadlaya ayaa yiri waxaan ognahay in aad Baba oo uu ulajeedo Raila Odinga tageertaan balse fikrad xun ma noqoneyso hadi ad inoo codeysan sababta oo ah waad ujeedan sida xaaladuhu ay yihiin.

William Ruto ayaa shacabka ugu baaqay in ay horumarka diirada saran oo aynan isku mashqulinin doorashada  2017-ka maadama ay hal maalin tahay

Madaxwenyne ku xigeenka dalka oo ay wehelinayeen wasiirka tamarta Charles Keter, wakiilka haweenka ee countiga Nairobi Rachel Shebesh iyo xildhibaanka  degaanka Lugari Ayub Savula ayaa hadalkan ka jeediyay Osiri oo ka tirsan degaanka  Nyatike  ee countiga Migori halkaasi oo uu ku daahfuray mashruuc korontada lagu gaarsiinayo tuulooyinkaasi.

Dhanka kale Mr Ruto ayaa sheegay in dowlada ay gobolkaasi dhanka macdanta ka caawineyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *