Seneterada dalka oo hakiyay kulan muhiim ah oo la doonayay in shalay uu dhaco

Dowladaha maamul goboledyada ayaa hadda wajihi doonaa lacag la’aan kadib markii aqalka senetka uu ku guuldarestay in ay meel mariyan lacaga loogu tala galay countiyada dalka.

Seneterada ayaa shalay lahaa kulan deg deg oo lagu doonayay in lagu ansixiyo bilkaasi balse waxuu uu u dhici waayay koorom la’aan kadib markii seneterada Cord ay ka biyo diiden in ay soo xaadiraan kulankaasi.

Biilkan ayaa u fasaxi lahaa countiyada dalka in ay helaan lacago ay ku maareyan maamul goboledyadooda.

Countiyada qaar ayaa shaqaalahooda wax mushaar ah aan siinin bishii June taas oo hadda culeys kor fuulay ku noqon doontaa Dowladaha maamul goboledyada dalka.

Dhamaan xubnaha Cord ee aqalkaasi senetarka oo kala ahaa Dan Mwazo (Taita Taveta), Wilfred Machage (Migori) iyo Godliver Omondi (oo la soo magacaabay), ayaa ka dhag adeegay in ay kulankaasi soo xaadiran kadib markii hoggaamiyahooda waa Moses Wetangula uu ugu baaqay in aysan tagin kalfadhigaasi.

Moses wetangula ayaa sheegay in wax wada tashi ah aan lala yeelanin seneterada Cord ka hor inta kulankaasi deg dega ah la soo qaban qaabinin.

Biilkaasi ayaa hadda dib looga doodi doonaan 13-ka Septembar ee fooda inagu soo hayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *