Shan arday oo lagu eedenayo in ay gubeen schooladooda oo maxkamada lasoo taagay

Shan arday oo dhiganeysay schoolka sare ee wiilasha ee Itierio oo kuyaalo Maamul goboledka kisii ayaa shalay oo jimco ahayd la soo hortaagay maxkamada sare ee Countigaasi.

Wiilashani ayaa lagu soo eedeeyay in ay dab qabadsiyen qeybta jiifka ee scholkaasi oo lagu qiyaasay in lagu dhisay lacag dhan 4.9 Milyan oo shilin waxayna gacanta booliska ku jireen tan iyo 25-kii bishii June ee aynu soo dhafnay.

Qareenka u doodayo ardaydaasi Job Obure ayaa ka codsaday Maxkamada in ardaydaasi lagu maxkamadeeyo sharciga caruurta maadama dhamaan shantan ay yihiin arday sugeyso in ay u faristan Imtixanada qaran ee dugsiyada sare ee KCSE.

Waxa uuna codsigisa qareenkaasi intaa ku daray in lasii daayo wiilashaasi si ay isugu diyaariyaan imtixaanka.

Obure ayaa sidoo kale ugu baaqay Maxkamada in ay lacag damiin ay ku soo deyso inta laga gaarayo dhageysiga rasmiga ah ee dacwadaasi.

Dhanka kale waxaa si aad oga soo horjestay codsigaasi dacwad soo oogaha isagoo sheegay in loo baahan yahay in ardaydaasi ay kusii jiraan gacanta ciidamada booliska maadama kiska loo hasto uu culus yahay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dalka si aad ah ugu soo badanayay ardayda schoolada dabka qabadsiinayo iyadoo ilaa iyo hadda in kabadan 100 dugsi la gubay.

1 thought on “Shan arday oo lagu eedenayo in ay gubeen schooladooda oo maxkamada lasoo taagay

  1. waxaa nasiib darro aad iyo aad uxun ah in arday uu gubo iskulkii uu wax kubaran lahaa..
    waa suaal eh yuu wax udhima oo nafsadiisa aheyn?..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *