3 kaluumeysato ah oo ku dhimatay harada Victoria

Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Migori ayaa sheegaya in 3 kaluumeysato ah ay ku dhinteen harada weyn ee Lake Victoria kadib markii ay rogmatay dooni ay saarnaayeen.

Kaluumeysatada ayaa biyaha ku haftay habeenimadii xalay xili ay isku dayayeen in ay howlgal kaluumeysi ah ka sameeyaan harada.

Dabeylo aad u xoogan ayaa ku dhuftay doonidooda, kuwaasoo sababay in ay rogmato.

Taliyaha ciidamada booliska ee maamul goboleedka Migori David Kirui oo dhacdadaan xaqiijiyay ayaa sheegay in koox kale oo kaluumeysatada dhimatay ay isla shaqeynayeen ay goor dambe ka war heleen in ay saaxiibadood ku dhinteen biyaha harada.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in dhamaan 3-da ruux ee dhimatay ay kasoo jeedeen degmada Muhuru ee maamul goboleedka Migori.

Wararka ayaa intaas ku daraya in meydadka kaluumeysatadaasi saaka laga soo saaray meel u dhow biyaha lagu muransanyahay ee ee jaziiradda Migingo.

Musiibooyinka noocaan ah oo marar badan soo noqnoqda ayaa loo aaneeyaa dadka kaluumeysatada ah oo aan si fiican uga taxadarin dhibaatooyinka ay kala kulmi karaan mowjadaha iyo dabeylaha xoogan ee mararka qaar ay leedahay Harada Victoria.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *