John Kerry oo lagu wado in uu booqasho ku yimaado Kenya

Xog hayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa la filayaa in uu bishaan August gudoheeda soo gaaro dalka, isagoo kulan la yeelan doona madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Amina Mohamed ayaa iyadana lagu wadaa in ay qeyb ka ahaato kulankaasi.

Af hayeenka aqalka madaxtooyada Kenya  Manoah Esipisu ayaa maanta shaaciyay arrintaan, isagoo sheegay in waqtiga rasmiga ah ee uu Kerry imaanayo dib laga soo gudbin doono.

Arrimaha ugu waaweynb ee ay ka wada hadli doonaan John Kerry, madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Amina Mohamed ayaa waxaa ka mid noqon doona amaanka, xiriirka gobolka iyo caalamkaba, iyo arrimo ku saabsan dhacdooyinkii ugu dmabeeyay ee laga soo tabiyay waddanka Suudsaanta Koonfureed.

Sidoo kale waxaa shirkaasi la iskula soo qaadi doonaa horumarradii ugu muhiimsanaa ee mudooyinkii lasoo dhaafay laga gaaray waddanka Somalia.

Kenya ayaa loo arkaa mid door hoigaamineed oo udub dhexaad ah ka kaga jirta dib usoo celinta xasiloonida labada waddan ee Suudaanta Koonfureed iyo Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa isagana la filayaa in uu bishaan gudeheeda booqasho ku yimaado dalka, isagoo wada hadal ku saabsan dhinaca dhaqaalaha la yeelan doona madaxda Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *