Liverpool oo ku tumatay Barcelona

Kooxda Liverpool ee u macaalinka u yahay Jurgen Klopp ayaa waxa ay guul ka gaaren kooxda Barcelona ciyaar saxibtinimo ee ku wada dhex martay garoonka Wembley ee waddanka Ingiriiska waxana ay kooxda reer Spanish ay kaga adkaaden 4 gool iyo eber waxana goolasheeda u kala dhaliyay ciyaaryahanadeeda kala ah Sadio Mane oo goolki 1-aad shabaqa taabsiiyay daqiiqadi 15-aad,goolka 2-aad ayaa waxa u ahaa mid ay iska dhaliyeen ciyaaryahanada Barcelona oo waxa isku laabay ciyaaryahanka reer Argentina ee daafaca uga dheela kooxda reer Katalunya ee Barcelona Javier Mascherano,goolka 3-aad ayaa waxa dhaliyay Divock Origi daqiiqada 48-aad waxana goolka 4-aad isna daba mariyay goolhayaha Barcelona laacibka Liverpool Marco Grujic daqiiqadi 90-aad waxana ay sidaasi ay garoonka Wembley uga baxday Barcelona iyado qanacsan lana daala dhaceysa guul daradi ka soo gaarta kooxda Liverpool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *