Maamuleyaasha Schoollada oo kulan ku yeeshay Mombasa

Kulan ballaaran oo ay maanta maamuleyaasha Schoollada ku yeesheen magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xagjirnimada ka jirta dugsiyada dhexdooda iyo falalkii gubitaanka Schoollada ee mudooyinkaan soo badanayay.

Shirkaan oo ay sanad walba mar magaalada Mombasa ku yeeshaan dallada ay ku bahoobeen madaxda Schoollada ee Kephsa ayaa looga hadlaa xaaladaha dhinaca wax barashada ee markaas taagan.

Gudoomiyaha dalladaasi Shem Ndolo ayaa kulanka maanta ka sheegay in masuuliyiinta Schoollada ay wadaan baaritaanno ku aadan arday la sheegay in maanka laga badalay oo laga dhaadhiciyay in ay ku biiraan al shabab.

Mr Ndolo ayaa ka dhawaajiyay in waalidiinta ay door muhiim ah ku leeyihiin sidii loo xaqiijin lahaa in carruurtooda aysan ku lug yeelanin kooxaha xagjirka ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ay macluumaad ka heleen arday ka tagtay Schoollada Kenya oo ku biirtay al shabab, kuwaasoo ay xireen laamaha amaanka ee dalka Somalia.

Dhinaca kalena ururka ay ku midoobeen maamuleyaasha Schoollada hoose/dhexe ayaa soo dhaweeyay amarkii dhawaan uu gudiga adeega macalimiinta ee TSC ku bixiyay in maamuleyaasha dugsiyada iyo ku xigeennadooda ay dhex dagaan Schoollada, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ardayda.

Amarkaas ayaa ka dambeeyay markii dab la qabadsiiyay ku dhawaad 150 School oo ku yaalla qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *