Madaxweynaha Turkeyga iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka oo ku midoobay ka qeyb galka mudaharaad ka dhacay Istambul

Isu soo bax lagu taageerayo dimuqraadiyadda loogana jawaabayo af gambigii dhicisoobay ee dalka Turkey-ga ayaa ka dhacay magaalada ugu weyn waddankaas ee Istambul.

Kulankaan oo ka dhacay fagaaraha Yenikapi square ayaa waxaa ka qeyb galkiisa  ku midoobay madaxweynaha dalka Turkeyga Racep Tayib Erdogan iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka ee kasoo hor jeeda dowladdiisa.

Raysul wasaaraha dalkaasi ayaa sidoo kale madaxweynaha ku wehlinayay isu soo baxaasi oo tiro badan oo dad ah ay ka qeyb galeen.

Waa markii ugu horeysay mudo sanado badan ah kadib oo ay mar qura 1 isu soo bax ka wada qeyb galayaan madaxda xukuumadda Turkeyga iyo hogaanka mucaaradka.

Labada dhinac ayaa si wada jir ah u muujinaya in ay kasoo hor jeedaan tallaabo xukunka loogu qabsado inqilaab milatari oo dowladda lagu afgambiyo.

Wakaaladda wararka ee dowladda Turkeyga ee Anadolu ayaa dadweynaha ka qey galay isu soo baxaasi tiradooda ku qiyaastay malaayiin qof.

15-ki bishii July ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii uu af gambit fashilmay ka dhacay dalka Turkeyga, iyadoo la xir xiray inta badan saraakiishii Milatariga ee lagu tuhmay in ay inqilaabkaas maleegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *