Manchester City oo soo iibsatay Marlos Moreno

Manchester City ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay la soo wareegtay weeraryahanka reer Colombia ee Marlos Moreno kaas oo ay kusoo iibsatay lacag lagu sheegay in ay tahay 4.75 milyan oo ginni waxana u qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah waxana 19 sano jirkan lagu wada in si ammaah ah loogu diro xili ciyaareedka 2016-ka-2017-ka isago xili ciyaareedkaas ku soo qaadani doono kooxda Deportivo la Coruna waxana u noqonaya ciyaaryahanka 3-aad ee u la soo wareego tababare Pep Guardiola isbuucan oo kaliya waxana u horey u la soo wareegay Leroy Sane iyo Gabriel Jesus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *