Orodyahanka South Africa ee Oscar Pitorius oo isbitaalka la dhigay

Odoryahanka u dhashay dalka Koonfurta Africa ee billada ka heysta tartamada orodka curyaamiinta Oscar Pistorius ayaa lagu soo waramayaa in loola cararay isbitaalka kadib markii la arkay isagoo ka go’an xididaha cubaancubta gacanta.

Warkaan ayaa waxaa maanta shaaciyay  qaar ka mid ah warbaahinta dalka South Africa oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan laamaha amaanka, gaar ahaan kuwa xabsiyada.

Pistorius ayaa ku jiray xabsi ku yaalla dalkaas oo uu ku qaadanayay xukun 6 sano ah oo uu ku muteystay dilkii uu u geystay gabar ay saaxiibo ahaayeen.

Xukunkaasi oo lagu riday bishii July ayaa aad uga yaraa waqtigii ay kooxda dacwad oogayaasha ah la damacsanaayeen oo ahaa 15 sano oo xarig ah.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in orodyahanka uu isku dayay in uu isku dhex dilo xabsiga, hase ahaatee Oscar Pistorius ayaa beeniyay arrintaas.

Booliska Koonfur Africa ayaa wada baaritaanno ku saabsan dhacdadaasi, iyadoo Mr Pistorius hadda lagu daweynayo isbitaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *