Sarkaal sare oo ka tirsan daacish oo lagu dilay Kirkuk

Sarkaal sare ee ka tirsan kooxda isu magcaawday khilaafada Islaamka ee daacish ayaa waxa lagu soo waramaya in lagu dilay gobolka qaniga ku ah saliida ee Kirkur ee waddanka Iraq.

Sida laga soo xigtay wakaalad warar oo ka hawlgasha waddankaasi ayaa waxa ay sheegtay in Mohamed Nassif Al-Hosh u dhintay kadib marki gaari u lahaa lala eegtay qarax xili u ku wajahnaa galbeedka gobolkaasi waxana ay wakaalada intaas ku dartay in islamarki u qaraxaas dhacay in halkaas hawlgalo baaxad leh ay ka bilaaben dagaalyahanada daacish si ay u ugarsadan cida ka dambeysay qaraxaas lala eegtay hoggaamiyahaas.

Maalinta jimcada ayay ahayd marki sidaan oo kale duqeymo dhinaca cirka ah ee lagu qaaday gobolkaas lagu dilay 4 sarkaal oo ka tirsan daacish.

Iraq ayaa waxa ay dagaal kula jirtay daacish tan iyo xagaaga sanada 2014-ka kadib marki dagaalyahanada kooxdaas ay la wareegen magaalada labaad ee ugu weyn waddankaas ee Mosul ee ku taalo waqoyiga waddankaas iyo magaalooyin kale ee ka tirsan Iraq.

1 thought on “Sarkaal sare oo ka tirsan daacish oo lagu dilay Kirkuk

  1. It is appropriate time to make some plans for the future and it is time to be happy.
    I have read this post and if I could I desire to suggest you few interesting things or tips.
    Perhaps you could write next articles referring to this article.
    I wish to read even more things about it! http://www.yahoo.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *