Adeegyadii caafimaad ee maamul goboleedka Embu oo dib u bilowday

Waxaa dib loo billaabay adeegyadii caafimaad ee isbitaallada maamul goboleedka Embu, kadib markii ay shaqaalaha caafimaadka gadood shaqa joojin ah ku guda jireen muddo 1 isbuuc ah.

Xiisadda ayaa lasoo af jaray markii ay masuuliyiinta howl wadeennada caafimaadka iyo dowladda goboleedka Embu isla gaareen heshiis dhigaya in la qoro shaqaale caafimaad oo dheeraad ah, halka kuwa shaqeeyana qaarkood la dalacsiin doono.

Wasiirka caafimaadka ee maamul goboleedka Embu Nicholas Muraguri ayaa sheegay in heshiiskaasi la kala saxiixday kadib markii ay arrintaan soo fara galisay dowladda dhexe.

Mr Muraguri  ayaa sheegay in mar walba Dowladda dhexe ay ka go’antahay in aysan hakad galin adeegyada caafimaad ee ka socda guud ahaan dalka.

Waaxda adeegyada guud ee ismaamulka gobolka ayaa hadda qaadaya tallaabooyin ku aadan sidii loo hirgalin lahaa arrimihii la isku af gartay.

Dhinaca kale gadood shaqa joojin adeegyada caafimaad ah oo noocaas ah ayaa ka taagan maamul goboleedka Machakos, hase ahaatee waxaa socda wada hadallo lagu doonayo sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdaasi.

Dhaqaatiirka Machakos ayaa ka gadoodsan daahinta mushaaraadkooda iyagoo sidoo kalena dalbanaya in sare loogu qaado gunooyinka iyo mushaaraadka ay qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *