Dalxiise ajnabi ah oo lagu dilay Masaai Mara

Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Narok ayaa sheegaya in nin dadka dalxiiseyaasha haga ah uu dilay qof daxiise ah oo haweeney ah taasoo u dhalatay dalka Shiinaha.

Falkaan ayaa ka dhacay hotel la seexdo oo lagu magacaabo Keekorok, kaasoo ku yaalla xarunta xayawaanaadka lagu xanaaneeyo, loona dalxiiska tago ee Maasai Mara ee Countiga Narok.

Dilka haweeneyda ajnabiga ah oo loo adeegsaday toori ayaa ka dambeeyay markii ay iyada iyo ninkii hagaha u ahaa ay ku murmeen miis lagu cunteeyo dushiisa.

Haweeneyda u dhalatay dalka shiinaha oo uu la socday lamaaneheeda ayaa damacsaneyd in ay miiskaas ku casheyso, hase ahaatee ninka hagaha ah ayaa ku adkeystay in uu isaga miiskaas fariisto, maadaama uu mar walba isla miiskaas ku cunteeyo.

Khilaafkaas ayaa hor seeday in uu ninka caawinayay dalxiiseyaasha ajaanibta ah lasoo baxo toori kadibna uu la dhaco gabadha kasoo jeedda Shiinaha.

Haweeneyda oo toorida looga dhuftay 2 meelood oo qaarka hore ah ayaa u dhimatay dhaawaca soo gaaray xili loo sii waday xarun caafimaad oo lagu magacaabo Sikinani.

Seygeeda oo dhaawacyo ay soo gaareen ayaa ka badbaaday weerarkaasi oo qudhiisa uu ku sigtay in lagu dilo.

Hoteelka lagu cunteynayay ee ay dhacdadaas ka dhacday ayaa waxaa xiligaas ku sugnaa in ka badan 100 dalxiise oo goob joog ka ahaa sida ay wax u dhaceen, kuwaasoo isla markiiba ka baxsaday halkaasi.

Taliyaha ciidamada booliska ee maamul goboleedka Narok Jillo Galgaloayaa xaqiijiyay falkaasi oo dhacay xalay abaare  7:30pm ee fiidnimo.

Mr Mr Galgalo ayaa intaas ku daray in ninka ay xaaskiisa ku dhimatay dhacdadaas ee dhaawaca qabay saaka loo soo duuliyay dhinaca magaalada tan Nairobi, si loogu daaweeyo.

Ninka falkaas geystay durbadiiba xabsiga loo taxaabay isagoo hadda lagu hayo sladhiga ciidamada booliska ee magaalada Narok, waxaana la filayaa in uu dhawaan kasoo hor muuqdo maxkamadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *