Manchester United oo si rasmi ah u la soo wareegtay Paul Pogba

Kooxda Manchester United ee ka dhisan magaalada Manchester ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u la soo wareegtay laacibka u dhashay waddanka Faransiiska uuna dheeli jiray kooxda reer Taliyani ee Juventus Paul Pogba waxana ay kooxda intaas racisay in ay laacibkan kula soo wareegtay lacag lagu sheegay in ay tahay 89 milyan oo ginni.

23 sano jirkan ayaa waxa u ku soo laabanaya kooxda iyado oo u afar sano ka hor u ka tagay garoonka ay ku dheesho kooxda macaalin Mourinho ee Old Trafford.

Pogba ayaa waxa u qalinka ku duugay heshiis shan sano ah waxana u noqonaya ciyaaryahanka ugu horeeyay abid kubada cagta ee lagu iibsado qiima aad u sareeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *