54 arday oo ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay Magaalada tan Nairobi

Ku dhawaad 54 arday ah ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay Magaalada tan kuwaas oo dhamaantood loola cararay Isbitaalka weyn ee Kenyatta.

Ardaydaasi ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa ay dhiganayeen schoolka hoose dhaxe ee Victorian Academy ee kuyaala Countiga Meru.

Shilkan ayaa yimid kadib markii buskii ay saarnaayen ardaydaasi oo la haayen shrkadda nakaski oo kuwajahnaa xarunta Bomas ee Magaalada tan Nairobi uu ka baxay wadadii uu kusocday oo eheyd Langata.

Arydan oo kasoo qeyb galayay ciyaara qaran oo lagu qabanayay Magaalada tan Nairobi ayaa waxaa lagu soo waramayaa in 7 kamid ah 54 dhaawacan tahay ay qabaan dhaawacyo aad u daran.

Sida laga soo xigtay macalinkii ardayda la socday buskaasi ay kujireen ayaa ahaa kii afaraad oo ay kiresteen kadib marki sedex hore oo qaatan ay kutimid cilid.

Dhanka kale dhaqaatirta ku howlan daaweynta ardaydasi ayaa sheegay in ardayda badankooda la daaweeyay islamarkaana laga saaray isbitaalka balse kuwa qaba dhaawacyada halista ah kusii jirin doonaan si loola sii tacaalo caafimadkoda.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *