Dowlada oo sheegtay in sanadkan gudihiisa 10,000 oo macalimiin ah la dalacsiin doono

Dowlada dalka ayaa ku dhawaqday in ay qorsheeneyso sidii ay ku dalacsiin laheed qaar kamid ah macalimiinta wax kabara schoolada ay dowlada maamusho ee dalka.

Inkabadan 10,000 oo macaliim oo ah kuwa dhiga dugsiyada hoose dhaxe ayaa lagu wadaa in sanadkan gudihiisa la dalacsiiyo.

Madaxa fulinta ee gudiga adeega macalimiinta ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano TSC Nancy Macharia oo tilaabadaasi ay dowlada qaadeyso shaaca ka qaaday ayaa waxay shegtay in qorshahaasi loo meel dhigay lacag dhan 2.2 bilyan oo shilin si loogu fuliyo.

Macalimiintan jagadooda shaqo kor loogu qaadayo ayaa waxay ku shegtay in ay yihiin kuwa hadda kujira mise kamid ah ah grubyada M iyo L ee shaqooyinka macalimiinta grubyadaasi oo ah sida shaqooyinka ay u kala daraja sareeyan barayaasha dalka.

Sidoo kale TSC ayaa intaas kudareen in bisha soo socoto ay soo badhigi doonaan fursado shaqo oo macalnimo ah oo dhan 6000 kuwaas oo ah qaban doonaa mise ku shaqeyn doona M iyo L.

Tilaabadaasi ayaa waxay hoos u dhigi dontaa macalimiin yaraanta ka jirta schoolada dowlada oo la sheegay In dalka uu u baahan yahay barayaal gaareysa 87,000 cusub oo la qoro.

Hadalkan kasoo baxay Nancy Macharia oo ah madaxa fulinta ee TSC ayaa waxay ka shegtay shir Magaalada Mombasa ee gobolka xeebta oga socda maamulayaasha Schoolada hoose dhaxe.

Tilaabadaasi ayaa waxa si aad ah u soo dhaweeyay maamulayaasha schoolada waxyan ugu baaqen dowlada in ay sii wadaan tilaabooyinka noocas oo kala ah si loo helo macalimiin dheerad ah oo cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *