Duqeymaha Sacuudiga uu kawado dalka Yemen oo sare loo qaaday

Diyaaradaha dagaalka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sare u qaaday duqeymaha ay maalmihii la soo dhaafay ka wadeen Magaalada Sanca ee Caasimada dalka Yemen.

Duqeyntii ugu dambeysay oo Salaasadii shalay ka dhacday magaalada Sanc la xaqiijiyay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen ayaa xoogeeda lala beegsaday goobo ay ku yaalaan warshad soo saarta cuntada, xaruntaasi oo u ku taalay goob u dhow xarunta kabka gaadiidka militariga ee Sanca.

Sacuudiga ayaa dar dar cusub geliyey duqeynta uu la beegsanayo dhulka ay ka taliyaan xoogaga shiicada ah ee xuuthiyiinta kadib markii uu burburay wadahadalkii nabad ee laga dhexwaday dowlada Yemen iyo Xuuthiyiinta.

Wadahadalada nabad ee ka socda Kuwait ayaa burburay kadib markii Xuuthiyiinta iyo kooxda uu hogaamiyo Madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax ay ku heshiiyeen inay wada dhistaan Maamul ka baxsan dowlada la aqoonsan yahay ee Yemen.

Ciidamada Dowlada Yemen ee hada fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee koonfurta Yemen, ayaan weli ku guuleysan inay la wareegaan deegaanada u dhaw caasimada Sanca oo weli ku jirta gacanta xuuthiyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *