Kinisu oo sheegay in ay dadka qaar doonaayen in ay shaqadiisa ka eryan

Gudoomiyaha gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqa ee marka magaciisa la soo gabiyo loo yaqaano EACC ayaa waxa u sheegay in shaqsiyaad yar ay dadaal dheer ugu jireen sida shaqada looga erin lahaa waxana u taas u sababeeyay dib u habaynta u gudiga ku sameeyay.

Kinisu ayaa ka hadlay dacwad ka dhan ah isaga oo u ka gudbiyay Okiya Omtata waxana u sarkaalka ugu sareeyo gudiga EACC u sheegay in dadka ka soo horjeeda kuwaas oo doonaya in u xafiiska baneeyo ay yihiin dad dana gaar leh oo aysan u muuqan dib u habaynta u ka sameeyay gudiga tan iyo marki u xilkaas la wareegay waxa u sidoo kale gudoomiyaha sheegay in ay dadkaas yihiin kuwa xita iyaga an dooneynin in baaritano lagu sameeyo si loo ogaado in ay ku luug leeyihiin falal musuq maasuq ah.

Mr Kinisu ayaa sheegay in u iska casilay shaqadiisa agaasime ee shirkadda Esaki Limited taas oo la sheegay in ay iska leeyihiin qoyskiisa oo lagu soo eedeeyay in ay ku luug lahayd musuq maasuqa waxda adeegga qaran ee dhalinyarada looga lunsaday lacag lagu sheegay in ay ahayd 791 milyan oo shillinka dalka ah waxana u gudoomiyuhu intaas ku daray in u shaqada agaasime ee Esaki u isaga tagay 15-ka biisha August sanada 2008-di, Kinisu ayaa sheegay in saamiyada u ku lahaa shirkadaas u ku wareejiyay gabadhiisa Caroline Simiyu.

Xaaska Kinisu oo ah agaasimaha guud ee shirkadda Esaki ayaa waxa ay sheegtay in Philip Kinisu oo ah gudoomiyaha guddiga EACC uusan wax saamiyad ah uusan ku lahayn shirkada ESAKI.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *