Nkaissery oo beeniyay khilaafka la sheegay in uu u dhaxeeyo taliyaha booliska iyo madaxa gudiga adeega booliska

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda amaanka qaranka Joseph Nkaissery ayaa meesha ka saaray in ay sax yihiin warar maalmihii dmabe soo baxayay oo sheegayay in ay xurguf u dhaxeyso taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Joseph Boinnet iyo gudoomiyaha gudiga adeega qaran ee booliska Johnstone Kavuludi.

Labada masuul ee ka tirsan waaxda amniga dalka ayaa la isla dhex marayaa in ay isku khilaafsanyihiin arrimo ku saabsan dalacsiinta saraakiisha booliska iyo sare u qaadista mushaaraadyooda.

Arrintaas ayaa ka dmabeysay markii ay taliyaha iyo gudoomiyaha soo kala saareen 2 liis oo kala duwan oo ay ku qornaayeen magacyada askarta la qorsheeyay in la dalacsiiyo.

Hase ahaatee wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay wasaaraddiisa xaqiijin doonto in lasoo xulay magacyada askarta ku haboon in la dalacsiiyo, isagoo aan carrabaabin midka labada liis la qaadan karo.

Hadalkaan ayuu wasiirka sheegay kadib markii uu kulan la yeeshay taliyaha booliska Mr Boinnet iyo gudoiomiyaha gudiga qaran ee adeega booliska Mr Kavuludi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *